Ciidamada Ahlu Sunna oo madaafiic culus ku garaacay ciidamada GALMUDUG ee weerarka ku ah Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ayaa maanta madaafiic ku garaacay fariisimo ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ka sameysteen meel u dhow magaaladaas.

Dadka dagan Magaalada Guriceel ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa tiro madaafiic ahm oo ay ciidamada Ahlu Sunna ku rideen fariisimaha ciidamada weerarka kusoo ah magaalada, gaar ahaan kuwa dhanka jihada Woqooyi, inkastoo aan weli la ogaan haddii ay khasaaro ka dhasheen.

Madaafiicda ay ciidamada Ahlu Sunna rideen ayaa kusoo aadeysa xilli ay fashilmeen dhammaan dadaalladii lagu doonayey in lagu joojiyo dagaalka kusoo socda magaalada Guriceel.

Labada dhinac weli kama hadlin tallaabada ay qaaday Ahlu Sunna, waxaana weli socda barakaca magaalada Guriceel maadama ay shacabka cabsi ka qabaan in dushooda lagu dagaalamo, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaarto, sidoo kalana waxaa xirmay inta badan ganacsigii Magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa fariisimo ka sameystay illaa seddex aag oo u dhow magaalada Guriceel, halka ciidamada Ahlu Sunna ay dufeysyo adag ka sameysteen bannaanka iyo gudaha Magaalada.

Sheekh Shaakir oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Guriceel ayaa ciidamada Dowladda uga digay inay ka qeybgalaan dagaalka lagu hayo Ahlu Sunna, taas badalkeedana ay xoogooda isugu geeyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.