Qarax xooggan oo ka dhacay suuq lagu iibiyo khaatka iyo shacab badan oo ku dhintay

Bardaale (Caasimada Online) – Ugu yaraan toddoba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa khaatka lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada, xilli ay dad badan ku sugnaayeen, sida laga soo xigtay goobjoogeyaal.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa iyo cidda fulisay. Waxaan sidoo kale caddeyn nooca qaraxa, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka dhashay miino suuqa khaatka la dhigay, balse weli lama xaqiijin.

Saddex qof oo ka mid ah 10-ka qof ee dhaawaca ah ayaa lagu warramay in xaaladdooda ay aad u liidato, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Sidoo kale saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan ka hadal qaraxa.