Nabaddoon caan ah oo maanta loogu galay laguna dhex dilay gurigiisa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Toogashada oo ka dhacday degmada Deyniile ee gobolkaan Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Gaaboow Cali Jimcaale.

Nabaddoonka oo kamid ah kuwa ugu caansan degmadaas ayaa xilligii la dilayay ku sugnaa gudaha gurigiisa oo ku yaal Xaafada Gubta Barwaaqo gaar ahaan agagaarka xoola-qalkii hore ee degmada Deyniile.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa ka dambeeyey dilkiisa, ayaga oo Nabaddoonka toogtay xili uu si caadi ah ugu sugnaa hoygiisa, sida ay sheegen dad deegaanka ah.

Dableydii fulisay toogashada ayaa goobta isaga baxsaday, ayada oo halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo meydka Nabaddoonka u qaaday xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile iyo laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadaan, oo qeyb ka ah dilalka qorsheysan ee toddobaadyadii u dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho.