Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo soo saaray digniin culus oo ku socota Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta ka hadlay xaaladda amni ee xilligan qorshaha uga degsan wasaaradda Amniga iyo tallaabooyinka dhanka amniga ah ay u qaadeen.

Waxaa uu Wasiirka qiray inay weli jiraan caqabado dhanka amniga balse wax laga qaban doono ayna socdan qorshooyin lagu tayeynayo ciidamada booliska ee ka howlgalla muqdisho si ay u xoojiyan amniga caasimadda maadaama lagu guda jiro xilli dooraho

“Waxaa jiro duruufo aan la dafiri Karin oo hortaagan ballaarinta saldhigyada degmooyinka, illaa saddex Degmo waxaa dhawaan ka dhisi doonnaa Saldhigyo waa weyn oo casri ah, ciidamada Booliiska waala qalabeynayaa si ay ugu diyaargaroobaan Doorashada,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Warbahinta dowladda ayaa sheegay in malmihii la soo dhaafay amniga caasimadda si weyn loo adkeeyay, isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay dadka Shacabka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato magaalada muqdisho ayaa waxaa uu faray  laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.

“Waxa aan marnaba ogolaan doonin hubka lagu dhex heysto Muqdisho, Hub aan ka diiwaangashaneen Wasaaradda Amniga ee aan la garaneyn cidda gacanta heysata ama si sharci darro ah dalka kusoo gelisa waxa aan ka qaadeynaa tallaabo,” ayuu yiri.

“Waxa aan ogsoonahay sanadihii lasoo dhaafay in is badello badan lagu sameynayay habka lagu xakameynayo hubka Magaalada lagu kala dhex iibsado waxaana tusaale u ah in lagu kala iibsanayay $800 illaa $1000 balse maanta waxa uu marayaa $2000 illaa 2500 sababtu waxa ay tahay in hubka Magaalada soo galo ama la helo mid aan u diiwaangashaneen Dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Amniga.

Warkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay howlgallo kala duwan wadeen Magaalada Muqdisho.