Xog: Axmed Madoobe oo aqbaly codsi ka yimid R/W Rooble oo ku wajahan Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu Sabtida safar ku tago magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taasi oo qeyb ka ah socdaal uu ku tegayo dhammaan caasimad maamul goboleedyada.

Garoowe ayaa waxaa saddexdii maalin ee tegay ku sugnaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, oo ay xulufo siyaasadeed yihiin Saciid Deni.

Sida aan xog ku helnay, Rooble ayaa ka codsaday madaxweynaha Jubaland oo xalay loo sameeyey casho sharaf sagootin ah, inuusan ka tegin Garoowe, si ay wada-hadallo saddex geesoo ah u yeeshaan. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in Axmed Madoobe uu aqbalay codsiga ra’iisul wasaare Rooble kuna sii sugnaan doono caasimadda Garoowe, waxaana shir wadajir ah yeelan doona Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Ma cadda haddii kulanka Garoowe uu ka dhigi doono in Rooble uu ka kaaftoomo socdaalkii uu u qorsheeyey Kismaayo. 

Rooble ayaa ku cadaaddin doona Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay dedejiyaan doorashada golaha shacabka, waxaana xoogeysanaya dadaallada lagu doonayo in lasoo geba-gebeeyo kahor dhammaadka sanadkan, inkasta oo ay aad u adag tahay.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa illaa hadda la doortay laba xubnood oo kaliya oo ah kuwa gobollada waqooyi, ayada oo Galmudug ay shalay shaacisay shanta kursi ee ugu horreysa ee ay qabaneyso doorashadooda.

Hase yeeshee, Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, ayaga oo sheegay inaysan aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn.

Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

“Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yiri qoraalka.