Muxuu yahay wadaadka Muslimka ah ee loo toogtay qarixii ka dhacay Kampala?

Kampala (Caasimada Online) – Sarkaal katirsan Ciidanka Uganda ayaa Warbaahinta u sheegay in Hay’adaha ammaanka ay toogteen Sheekh Maxamed Cabaas Kirevu oo ay ku eedeeyeen in uu xiriir la leeyahay kooxda Daacish ee sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay Kampala.

Toogashada Sheekha ayaa ka dhacday meel ka baxsan Magaalada Kampala oo ah halka qaraxyadu ay ka dhaceen, Ciidanka ayaa howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ku tagay goobta uu joogay oo aanay faah-faahin ka bixin Hay’adaha ammaanka.

Weerarada qaraxyada ah ee ka dhacay Kampala ayaa galaaftay nolosha dad ku dhaw 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale sida ay sheegeen Hay’adaha Caafimaadka & Laamaha ammaanka Uganda oo faah-faahin ka bixiyay qaraxyadaas.

Qaraxyada waxaa sheegatay Kooxda Allied Democratic Forces (ADF) oo ku dhawaaqday in ay heshiis la gashay Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ee Daacish (IS), Ciidamada ammaanka Uganda ayaa faajignaan dheeraad ah la geliyay.

Jabhadda Islaamiga ah ee ADF waxaa Uganda lagu aasaasay sagaashamaadkii balse hadda waxa a saldhig u ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Tan iyo markii ay wacad ku mareen inay daacad u yihiin ururka IS sanadka markuu ahaa 2019, ayaa waxa ay qaadeen werarro isdaba joog ah.

21 qof ayaa la xiray ka dib tan iyo weerarkii Talaadadii gilgilay caasimadda Uganda, iyadoo booliiska ay wacad ku mareen inay burburin doonaan unugyada ADF ee Kampala iyo guud ahaan dalka.

Afhayeenka booliiska Fred Enanga ayaa sheegay in 13 qof oo laga shakisan yahay, oo ay ku jiraan dhowr carruur ah, la qabtay xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan xadka DR Congo.

Waxaa sidoo kale ay booliska ku raad joogaan wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan Nsubuga, kaas oo lagu eedeeyay in uu sameeyay tababarro la xiriira waxa ay dowladda ku tilmaamtay argagixisanimada, dadka xagjireynta loo qorayo, iyo bixinta agabka lagu sameeyo walxaha qarxa.