“Shirqoolka Afrika lagu dilay Al-Shabaab keliya ma fulin,” – Waxaa sidaas sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa shaki badan ka muujiyey in kooxda Al-Shabaab keligeed ay fulisay dilkii qorsheysnaa ee loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika”.

Abwaan Guure ayaa sheegay in uu ahaa shirqool gacan laga geystay, islamarkaana ay tahay in dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyso dilka loo geystay Agaasimihii Radio Muqdisho.

“Cabdicasiis sida loo dilay baaris rasmi ah laguma sameyn, waxaa aaminsanahay shirqoolkan Shabaab keliya inaysan fulin, sababto ah Cabdicasiis gaariga uu watay ma aheyn midkiisa lagu yaqaanay meesha lagu qarxiyayna ma daganeyn,” ayuu yiri Abwaan Guure.

Waxa uu intaas kusii daray in xogteeda hayaan waxyar un ka hor markii weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii lala beegsaday Cabdicasiis uu kasoo tagay mas’uul ka tirsan wasaarada warfaafinta oo asagu markii hore la socday Afrika.

“Al-Shabaab inay kasoo shaqeysay waa ognahay, laakiin cidda la fududeynaysay ayey aheyd?,” ayuu yiri Guure oo farta ku godaya in shaqsiyaad kale Shabaab kala shaqeeyen dilka Afrika.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ay fadhiga ka kacaan, islamarkaana ay shacabku damiir isku yeelan, si looga hortago qaraxa iyo dilka ay ku baxayaan haldoorka Soomaaliyeed.