NISA oo Muqdisho ‘ku dishay’ 12 xubnood oo Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo Shabaab ah, balse la dilay 12 ka mid ah ragaas. 

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hey’addu qoraalkan kuma cadeyn goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howlgalkaan lagu dilay 12 qof, markii laga reebo in la xusay in howlgalku ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qoraalka NISA laguma kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama qoraalkaan lagu sheegay in la dilay 12-xubnood oo ka mid ahaa 15 Shabaab ah oo la bartilmaameedsanayey.

Ma jirto ilaa hadda cid ka madax-bannaan NISA oo xaqiijisay dilka 12-kaas Shabaabka ah, sidoo kale weli lama ogaan halka ama xaafadda uu ka dhacay howlgalkan ay shaacisay NISA.

NISA ayaa maalmihii tegay xoojisay howlgallada Muqdisho. Howlgal ay hay’adda Muqdisho ka fulisay saddex maalmood kahor lagu soo qabtay saddex sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ku sugnaa xaafadda Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale waxa hay’adda nabad sugidda shaacisay inay ciidamadu soo qabteen keyd hub ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen, kaasoo oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee hubka iyo walxo ay u adeegsanayeen inay ku sameeyaan qaraxyada, sida lagu sheegay qoraalka.

NISA ayaa dhinaca kale u mahadcelisay dadka shacabka ee xogta lasoo wadaagay, isla-markaana kala shaqeeyey howl-galkaasi.

”Waxaa mar walba mudan oo ciidamada NISA aad ugu mahad-celinayaan bulshada Soomaaliyeed oo haatan aad ula shaqeeyey laamaha sirdoonka qaranka,” ayey tiri NISA.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii