Somaliland oo xukun adag ku ridday afar askari + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heestay afar askari oo ka tirsan ciidamada Booliska maamulkaasi, kana howl-galayey magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Maxkamadda ayaa askartan ku heshay inay fal kufsi ah u geysteen gabar 13 jir ah, kaas oo bartamihii sanadkan ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale maxkamadeynta askartan ayaa soo martay marxalada kala duwan, waxaana ugu dambeyn ay maxkamaddu soo gabagabeysay kiiska ka dhanka ah 4-taasi askari.

Garsooraha maxkamadda ayaa shaaciyey in raggan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, isla-markaana lagu xukun min 7 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhanka kale maxkamadda ayaa sii deysay laba eedeysane oo kale, kadib lagu waayey inay ku lug lahaayeen falka kufsiga ah ee loo geystay gabadha yar ee 13-ka jirka aha.

Fadhiga maxkamadda waxaa sidoo kale ku sugnaa ehellada gabadha dhibka loo geystay iyo sidoo kale ehellada askarta la xukumay oo goobjoog ahaa go’aanka la ridday.

Waalidiinta dhalay gabadha la kufsaday oo muddo sugayey cadaaladda ayaa soo dhoweeyey xukunka  adag ee lagu ridday afarta nin ee lagu helay inay geysteen falkaasi.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay xukuno kala duwan ugu ridday rag lagu soo edeeyey kufsiyo ka dhacay maamulkaasi, kadib markii gacanta ku soo dhigeen ciidanka ammaanka.