Wasiirka Gaashaandhiga oo amray ciidamada inaysan qaadan amarka Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay xiisadda u dhaxeyso madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday iyo Ra’isulwasaare Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday Farmaajo.

“ Sida wasiirka Amniga faahfaahiyey dalkaan waxaa Maanta ka dhacay Afgambi dhicisoobay, afgambigaas waxaa geystay oo ka shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sababta Farmaajo ku kaliftay inuu tallaabadaan qaaday ku sheegay inay tahay sidii uu u boobi lahaa doorashada isagoo ciidamada Dowladda u diray digniin culus.

“ Dhibaatada intaas la eg sababta loo marayo waa dareemi kartaan waa doorashada darteed, waxaana dhammaan ciidamada Qalabka sida ugu baaqeynaa inaysan ka qeybgelin falalka noocaan oo kale ah, intii saaka isku dayday inay la wareegto xafiiska Ra’isulwasaaraha waxaan ku eegi doonaa il gaar ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wuxuu ciidamada faray inaysan qaadan amarka madaxweynaha watigiisa dhammaaday wuxuuna yiri “ Waxaan uga digeynaa ciidamada inaysan ku gadsoomin qaadashada iyo fulinta amarada madaxda danta gaarka ah ka leh arrimaha doorashada, waxaana rabnaa inaan dalka mar labaad meel mugdi ah loo celin”.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadayo xilli ciidamo ka amar qaato madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku dayeen inay xoog kula wareegaan xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inuu tago xafiiskiisa isagoo ay garbaha ka taagan yiihiin taliyayaasha ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: