DF Soomaaliya oo heshiis la gaartay Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo geba-gabeysay shir wadatashi ah, oo ay Magaalada Muqdisho kula yeelatay Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa laga hadlay mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habayn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’da hagi doona ka qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhameeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidamada (TCC) ka jooggo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada Amniga Soomaaliya, si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qorshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxdo lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023-ka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii