26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Prof. Cabdi Ismaaciil: Rooble wuxuu noqday Omicron oo kasii daran FARMAAJO

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Senatorada dooran ee Aqalka Sare ayaa waxa uu si weyn u dhaliilay hanaanka ay ku socoto doorashada, asaga oo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay boobka doorashada.

Cabdi ayaa waxa uu Rooble ku sifeeyay shaqsi ka daray madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hore loogu haystay boobka doorashada, maadama uu shaqsiyaad gaar ah u boobayo doorashada, sida uu sheegay.

“Soomaaliya waxay madaxa la gashay 4.5, sidaas ayey ku socotey. Nin madaxweyne ahaa ayaa kusoo dul degay oo damcay inuu beelaha oo dhan sameysto, ayadoo taas la yaaban yahay ayaa laga qabtay, haddana waxaa loo dhiibay Ra’iisul Wasaaraha oo asaguna ka daray,” ayuu yiri.

Prof. Cabdi Ismaaciil oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Ninkii wuxuu noqday (Rooble) kud ka guud oo qanjo u guur, wuxuuna doonayaa in uu boobo doorasho oo cid gaar uu wato u boobo. Afar dhalinyaro oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo lahayn ayuu meesha dhigtay.”

Waxa uu intaas kusii daray in shaqaalaha xafiiskas ay maamulayaan odayaasha wax dooraneysa, ayada oo kuwa aan loo meerin karin meesha laga saarayo.

“Anagoo la yaaban siyaasiyiintii Covid-19 kii Madaxtooyada laga qorsheeyay waxaa yimid mid Omicron Covid-19 oo Ra’iisul Wasaarihii wuxuu noqday Omicron,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

Siyaasiyiinta reer Waqooyiga ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka, kadib markii ay sheegen in Rooble uu boob qaawan ku hayo kuraasta Somaliland, una maamulayo sida uu rabo.

- Advertisement -

Read more

Local News