Caaqilka beesha leh kursigii uu ka qeyliyey wasiir Duraan oo go’aan soo saaray

Garowe (Caasimada Online) – Caaqil Maxamed Xaashi Cigaal oo ah Caaqilka beesha iska leh kursiga HOP166 oo dhawaan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda Soomaaliya uu sheegay in loo diiday inuu u tartamo ayaa war ka soo saaray boobka kursigaas.

Caaqil Maxamed ayaa guddiyada doorashada ugu baaqay in la hakiyo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP166, kaas oo sida uu sheegay aysan talo ku laheyn hanaanka la doonayo in lagu doorto.

Sidoo kale Caaqilka ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni u soo jeediyey in madaxweynaha Soomaaliya uusan u tartami karin, maadaama reer Puntland uu maamuli waayey oo cadaalad-darro badan ay ka tabanaayaan maamulkiisa, sida uu sheegay.

“Madaxweynaha Puntland waxuu u tartamayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin hadii anagu aan ka tirsaneyno cadaalad darro iyo gacan dhaaf, ma garanayo sida ay ugu suurta gareyso inuu madaxweyne u noqdo dowladda federaalka,” ayuu yiri Caaqil Maxamed.

Kursigaas ayaa ka mid ah kuraas ay Puntland shaacisay in doorashadiisa la qabanayo 22-ka bishan oo ku beegan berri oo Sabti ah.

“Anigoo ka wakiil ah shacabka iska leh masiirka kurisga Hop166, waxaan ognahay in dad kale oo aan talo ku laheyn kursigaas doorashadiisa loo diyaarsaday, wadadii saxda aheyd looma marin doorashada kursigaas,” ayuu yiri Caaqil Maxamed.

Caaqilka ayaa guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ka codsaday inay joojiyaan doorashada kursigaas oo la qorsheeyey inay dhacdo Sabtida berri.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa 19-kii bishaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo warbaahinta u sheegay in hoggaanka Puntland uu ka hor istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee tirsigiisu yahay Hop166.

“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaagayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.