Beelaha Dir koonfur oo war kasoo saaray go’aankii Dir Waqooyi ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beelaha Dir-koofureed ayaa garab istaag loogu muujiyey siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka reer Somaliland oo cabasho xoog leh ka muujiyey boob doorashada oo ay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Bayaankaan ayaa lagu sheegay in marnaba aan loo dul qaadan karin qeylo dhaanta ka soo yeertay xubnaha reer Somaliland, iyadoo golaha wadatashiga qaran loogu baaqay in deg deg ay u soo faro-geliyaan cabashadaan.

“Waxaan ugu yeereynaa Shir wadatashi Beelaha Dir ee Koonfur iyo Waqooyi, si meel looga soo wada jeedsado xaaladan khatarta ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaan oo dhameystiran:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21ka Janaayo 2022 waxaa warsaxaafadeed ka soo saaray Caasimadda dalka ee Muqdisho beelaha Dir Koonfureed. Ka dib markaan aragnay qeylo-dhaanta ka soo baxeysay hoggaanka dhaqanka Beelaha Dir Wapoyi ee Somaliland oo si bareer ah loogu xadgudbay madaxbannaanida maamulka doorashada Xildhibaanadooda, taas oo dhalisay in maanta Bogor Cusmaan Aw -Maxamuud, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo indheergaradka Beelaha Dir waqooyi ee Somaliland ay soo saaraan bayaan dhiilo xambaarsan.

Waxaan cadeyneynaa in habayaraatee marnaba loo dulqaadan karin faragalin iyo xadgudub lagu sameeyo aayo ka-tashiga doorashooyinka Baarlamaanka ee Somaliland, arrintaas oo saameyn xun ku yeelanaysa wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku garab-taaganahay Hoggaanka Siyaasadda ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Raysalwasaare Ku-Xiggeenka, Odayaasha Dhaqanka ee Saxiixayaasha ah in ay u madax-bannaan yihiin xulista Guddiyadooda Xulista iyo Ergooyinkooda.

Waxaan ugu baaqeynaa Raysalwasaaraha oo lagu sharfay fududeynta Doorashooyinka Dalka oo dhan in uu xurmeeyo hannaanka doorashooyinka ee lagu heshiiyey, isla markaasna ka fogaado wax walba oo dhaawac ku keeni kara Midnimada Soomaaliyeed, Daahfurnaanta Doorashooyinka, iyo xurmada Dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaan ka codsaneynaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo u xilsaaran meelmarinta Heshiiska Doorashooyinka in ay si degdeg ah u soo faragaliyaan qeylo-dhaantan xooggan, loogana qanciyo Hoggaanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Dir Waqooyi ee Somaliland tabashadooda si looga hortago habacsanaan iyo dhib-u-dhac kale oo ku yimaada Doorashada Dalka.

Waxaan ugu yeereynaa Shir wadatashi Beelaha Dir ee Koonfur iyo Waqooyi si meel looga soo wada jeedsado xaaladan khatarta ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.