26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xildhibaankii u horeeyey oo maanta lagu doortay Jowhar iyo CALI GUUDLAAWE oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baraalamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu bilaabay 6 kursi.

Kursigii ugu horreeyey ee Hop#033 oo doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Yuusuf Ibrahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee lagu doorto Jowhar, waxaana uu markale sidaas ugu biirayaa baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Yuusuf Kabaale ayaa kusoo baxay codad badan oo gaaraya illaa 69 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Xuseen Sabriye uu heley 22 cod, sidoo kale waxaan halaabay 6 Cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashooyinka ee maamulka HirShabelle.

Guusha Yuusuf Ibrahim Afrax ayaa la filayey, maadaama uu ka mid ahaa xubnaha aadka loo hadal hayey inuu ku soo baxayo doorashada.

Kursiga labaad ee HOP#005 waxaa kusoo baxay Maxamed Cumar Ceymoy oo loo waayey musharax la tartama, waxaana loo qaaday, cod gacan taag ah, isaga oo helay 73 cod.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda ay ka dhacdo HirShabelle.

Kuraasta maanta doorashadooda la qabanyo sidoo kale waxaa ka mid ah kursiga HOP#097 oo ay sanado badan ay ku fadhisay Khadiijo Diiriye, taas oo markale si gaar ah loogu xiray.

Sida ay ku bilaabatay doorashada HirShabelle ee Golaha Shacabka ayaa muujineyso in Cali Guudlaawe uu ka leexday dhabihii uu horey ugu wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aad loogu boggaadiyey, waxaana durbo soo shaac baxay cabashooyin ku aadan doorashada Jowhar.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa xaalad kala guur ah, waxaana xiisadda uga sii daray cabashooyinka hareeyey hannaanka loo wajahay doorashada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News