Dowladda SOOMAALIYA oo loo haysto heshiis caalami ah oo PUNTLAND ay jebisay

Garowe (Caasimada Online) – Ururka bad-baadada Caruurta ee ‘Save the Children’ ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay soo fara-geliso dhainyarro uu maamulka Puntland dhawaan ku ridday xakunno isugu jira dil iyo xabsi dheer, iyagoo lagu eedeeyay inay kooxo hubeysan ka tirsanaayeen.

1-dii bishaan Febraayo Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah 6 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-Shabaab.

Dhalinyaradaas ayaa la sheegay inay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana lagu soo qabtay howlgallo culus oo sanadihii u dambeeyey ay Puntland ka waday Gaalkacyo, si loo soo afjaro beegsiga dadka.

Maxkamadda ayaa afar ka mid ah dhalinyaradaas ku xukuntay dil toogasho ah, halka labada kale lagu riday xabsiyo dhaadheer oo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Qoraal ka soo baxay Save the Children ayaa sheegay in xukunnadaasi ay ka hor imanayaan heshiiska Qaramada Midoobey ee xuquuqda carruuta oo ay Soomaaliya-na ansixisay sanadkii 2015-kii.

Maamulka Puntland ayaa horay loogu eedeeyey inuu xukuno adag ku riday dhalinyaro aad u da’ yar, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo ay ciidanka Puntland la galeen kooxda Al-Shabaab iyo howlgallo qorsheysan oo ciidanku ay fuliyeen.

Waxaa jira heshiis dhigaya in carruurta ka yar 18 sano aan loo ciqaabi karin dunuubta ay galaan, kaas oo Qaramada Midoobey ay ka saxiixday inta badan dalalka caalamka oo Soomaaliya ay ku jirto, Soomaaliya ayaa  heshiiskaan qalinka ku duugtay sanadkii 2015-kii.