Kismaayo (Caasimada Online) – Maanta oo Jimco ah Magaalada Kismaayo ee maamul Jubbaland ayaa waxaa ka dhacday doorashada 3 Kursi oo aan lagu tartamin kadib markii ay is casileen musharixiintii malxiiska ahaa.
Kursiga ugu horreeyo ee lagu doortay Maanta Magaalada Kismaayo ayaa ah Hop#132 oo uu horay ugu fadhiyay Ibraahim Maxamed Xuseen (Buulle), waxaana ku guuleysatay Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami laheyd, cod gacan taag ayaa waxaa Cadar u coddeeyey 98 Ergo oo ku sugneyd Goobta doorashada.
Kursiga labaad ee Hop#092 oo uu ku fadhiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu u tanaasulay Cabdullaahi Aadan Cabdi oo la tartami lahaa.
Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay dhamaan Ergada goobta ku sugneyd oo aheyd 101 Ergo.
Kursiga Saddexaad ee Hop#023 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Maxamed Muuse ayaa waxaa Maanta ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay Nasro Mahdi Caraale 100 Ergo ah, marka cod kale la sheegay inuu ka aamusay qofkii lahaa.
Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku socotaa si xoog leh, waxaana waqtigii lagu heshiiyey in lagu dhameystio ka dhiman wax yar 10 Maalin, waxaana muuqato inaan waqtigaas lagu soo gababey karin doorashada.
Guddiga doorashada ayaa ku adkeystay in waqtiga loo qabtay in lagu soo dhameystiro doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka lagu soo dhameystiri doono.