Jubbaland oo ballan qaad u sameysay guddigii uu magacaabay Rooble

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo faah-faahin ka bixiyay kulan ay la qaatay Guddiga Ra’iisul Wasaaraha XFS u magacaabay ka xog-keenista Doorashada iyo xaaladda Gobolka Gedo ayaa soo dhaweeyay shaqada guddigaan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guddigaan oo ah la-taliyaha dhanka Doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu waaya-aragnimo u leeyahay arrimaha Doorashada maadaama uu kamid ahaa Dadkii hirgeliyay Doorashaddii 2016/17.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in ka Dowlad-Goboleed ahaan ay diyaar u yihiin in ay wareejiyaan macluumaadka la xiriira Doorashada Garbahaarey si looga gudbo caqabadaha hortaagan doorashada 16ka kursi.

Dhinacyada saameynta ku leh Gobolka Gedo ee deegaan ahaan Jubbaland ku metala ayuu Sheegay Maxamuud Sayid Aadan in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dedaallada uu wado Guddiga wakiilka ka ah Wasiirka 1aad ee XFS sida uu hadalka u dhigay.

“Guddoomiye Cumar waan la soconaa in Ra’iisul Wasaaraha uu u qaabilsanaa la-talinta Doorashooyinka maadaama 2016kii uu maamulay doorashadii guusha ku dhammaatay, qibradna uu u leeyahay arrimahaan waxa aan kusoo dhaweyneynaa dedaalka uu Guddigaan wado si loo qabto Doorashada 16ka kursi” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

“Arrinta Gobolka Gedo waa mid dhib yar haddii la siyaasadeeyo waa dhibaato sii jiitameysa maadaama labo sano ay qaadatay, Caqabadaha jira ee naga hortaagan in aan doorasho ku qabano Gedo waan gudbinay iyo sida aan u aragno xalkooda ee looga gudbi karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray arrinta Gobolka Gedo u tilmaamay caqabadaha iyo culeyska meelaha ay kala kulmi karaan isaga oo rajeeyay in la kala saari doono is qabqabsiga siyaasadeed & Doorashada.