MUUSE BIIXI: “Soomaaliya maanta Mareykan xiriirka ha u jarto hadii ay ku dhacaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay safarkii uu ku tagay dalka Mareykanka iyo xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dadaalka aqoonsi raadinta Somaliland uu yahay mid meel fiican maraya oo aysan awoodin dowladda Soomaaliya inay horiistaagto, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in safarkiisii uu waddanka Maraykanka ku tegay ahaa mid taariikhi ah oo guulo waaweyn usoo hooyey bulshada Somaliland, cadowgana ka nixiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkayagii wuxuu ahaa mid guul u ahaa Somaliland oo taariikhda geli doona, cadowga Somaliland-na wuxuu ahaa mid dhabarka ka jebiyey oo ka nixiyey.”

Muuse Biixi ayaa xusay in Somaliland ay qarka u saaran tahay in ay noqoto dal dadax banaan oo ay hesho aqoonsi caalami ah, isaga oo intaas ku daray inuu guulo waaweyn ka keenay shirarkii uu la yeeshay mas’uuliyiinta dalka Mareykanka.

“Waxam idiinku bushaaraynayaa, haddii ay shalay dawladaha waaweyni indhaha inaga lalinayeen in dawladdii adduunka ugu waynayd ay manta indhaheedii inoo soo jeedaan, haddii aan shalay hadalkeena aan hadalkeenna aad loo dhegaysanayn oo uu cadowgeennu dhegaha ka haystay dawlaha waaweyn, maanta waxad arkayseen iyada oo dhegaha dawladda maraykanku iyaga oo aad u raaracan ay dhegaysanayeen codka Somaliland iyo dareenkooda,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

“Soomaaliya Maanta Maraykan xiriir ha u jarto haddii ay ku dhacaan, aqoonsigii Somaliland waa mid hadda soo ifaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay wada-hadaladii u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulka Somaliland oo muddo raadinayo aqoonsi.

Somaliland ayaa horey ugu eedeysay madaxweyne Farmaajo inuu sabab u yahay fashilka ku yimid wada-hadalada, waxaana hadda la sugayaa sida uu yeelo madaxweynaha cusub ee loo dooran doono Soomaaliya.

Intii uu Muuse Biixi joogay Washington, Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa soo saaray sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland.