Xog: Rooble oo isbeddel ku sameeyey madaxda ilaaladiisa

uqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Rooble ayaa lasoo warinayaa inuu dhowr isbadal ku sameeyey madaxda ilaaladiisa iyo howlwadeenada ku dhow dhow qaar.

Tan iyo markii NISA ay sii deysay farriin culus oo muujineysa in Al-Shabaab ay kusoo maqan tahay Farmaajo iyo Rooble oo uu amnigooda halis ku jiro, Ra’iisul Wasaaraha waxaa la sheegay inuu dalbaday ciidan dheeri ah iyo inuu qaaday tallaabooyin isbadal ah oo uu ku xaqiijinayo nabad-galyadiisa.

Al-Shabaab ayaa gebi ahaan iska fogaysay in ay wadaan qorshe ay ku dilayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, waxaana ay si cad u sheegeen in aanu jirin shaqsi lagu magacaabo Maxamed Maahir oo ka tirsan Al-shabaab, sida ay ku sheegeen qoraal lagu daabacay warbaahintooda

Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegay in hadalka kasoo baxay hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA uu yahay qorshe ay iyadu wadato, sida ay hadalka u dhigeen, ayna arrintan tahay mushkilad ka dhex jirta dowladda.

Hadalaka kasoo baxay Al-Shaabaab ee lagu beeniyey hadalkii NISA, ayaa kusoo aadayaa iyadoo ay hey’addu ay baahisay qorshe la damacsan yahay in lagu khaarijin rabo madaxda dalka ugu saraysa, waxaana la ogaa in Al-Shabaab horay u beeniyeen dilkii Marxuumad Ikraan Tahliil Farax oo lagu eedeeyey in ay dileen xubno NISA ah.

Madaxdii Sare ee Dalka ayaa si weyn u kala shakisay iyadoo khilaafkii siyaasiga uu u muuqdo inuu u wareegay dhanka ammaanka.

Muqdisho hadda ma qaadi karto khilaaf cusub iyo qorshooyin amni oo iska soo horjeeda, ayada oo dalku wajahayo abaar xooggan, sicir barar iyo dhibaatooyin kale.

Adduunka wuxuu u muuqdaa inuu kasii niyad jabayo Soomaaliya, xalka waxaa loo arkaa in doorashada deg deg ku dhammaato si loo helo hannaan dowladeed oo samatabixin kara dalka.