Daawo: Xijaar iyo ciidankiisa oo caawa tegaya Afisyoone – Muxuu yahay qorshahooda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ay ka mid yihiin inuu xirtay xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa iyo inuu shalay guddoomiye Dhabancad u diiday teendhada Afisyooni, halkaas oo lagu dhaari lahaa xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Wuxuu qiray in shalay ay u yimaadeen guddoomiye Dhabancad iyo masuuliyiin kale, isagoo ku sugan Afisyooni, balse uu u sheegay inay ku jiraan u diyaar garowga doorashada guddoonka Aqalka Sare oo maanta dhacday, sidaas darteena aan howl kale lagu qaba karin teendhada.

Sidoo kale ayaa cadeeyey in howsha sugidda amniga ay u maarey doonaan sidii maanta oo kale, isla markaana liiska dadka tegaya teendhada ay ka sugayaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka iyo xoghaynta baarlamaanka, xilli caawa uu Ra’iisul Wasaare Rooble amray in boolisku uu faraha kala baxo doorashada, amiga Teendhadana ay ATMIS la wareegto.

“Caawa waxaan u soo jeednaa inaan Teendhada habeen barkii tagno oo Ciidamo iyo Eeyo baara geyno, liiska dadka imaanaya anaga waxaa noo soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka iyo aqalka sare iyo xog-hayeyaasha sidii maanta la yeelay, waana been in boolisku u diiday guddoomiyaha KMG ah xarumaha Villa Hargeysa iyo Teendhada Afisyooni ee yaan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri Xijaar.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyey siyaasiyiin uu sheegay inay been ugu abaal gudeen ciidanka booliska oo sida uu sheegay masuuliyad adag iska saaray doorashadaan soo jiitameysay labada sano.

Wuxuu iska fogeeyey in xarunta Villa Hargaysa ay ammaankeeda gacanta ku hayaan, wuxuuna siyaasiyiin iyo dadka kaleba ka codsaday inay been abuurka ka daayaan booliska oo sida uu sheegay ay ka go’antahay sugida amniga doorashooyinka socda.

Hoos ka daawo