ATMIS iyo Ahlu-Sunna oo qarka u saaran dagaal kadib go’aan kasoo baxay ATMIS

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug xilli ay halkaas ka jirto hadal heyn ku aadan weerar ay kooxda Ahlu Sunna qorsheeneyso inay kusoo qaado magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Col. Xasan Jaamac ayaa kulan deg deg ahaa la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb.

Sida laga soo xigtay kulanka, taliyaha ayaa saraakiisha iyo taliyayaasha uu la kulmay u ballan qaaday in ciidamada ATMIS ee ku sugan Dhuusamareeb aysan gacmaha ka laaban doonin haddii ay kooxda Ahlu Sunna isku daydo inay weerar kusoo qaado Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa la sheegay ciidamada howlgalka AMISOM ee ATMIS iyo saraakiishaba uu amar buuxa ku siiyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Dhuusamareeb looga difaaci lahaa weerarka kusoo socda.

Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.

Kulankaan deg dega oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la sheegay inay kooxda Ahlu Sunna ka wado deegaanka Bohol dhaq-dhaqaaq ciidan loo fahmay inay weerar kusoo tahay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhawaan dagaal dhiig ku daatay oo socday muddo ku dhow 10 Maalin looga saaray Magaalada Guriceel,  waxayna wixii markaas ka dambeeyey saldhig ka dhigteen deegaanka Bohol oo ay isugu geeyeen dhammaan ciidankii daacadda u ahaa.

Xiisadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo deegaanada Galmudug ay ka maqan yihiin madaxweynaha Galmudug, ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenadiisa, xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaas kuwaas oo ku wada sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo la filayo in 15-ka bishaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya.