Xog: Madaxweyne Xasan oo berri u baxaya safar kale oo dibadda ah + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u baxay safar kale oo dalka dibadiisa ah.

Madaxweynaha ayaa Khaamiista berri u safraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uu ku tagi doono.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa iyo markii la doortay 15-kii bishii May.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Safarkiisa Nairobi ayaa bilow u noqonaya dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay, kaas oo gaaray heer safaaradaha la kala rarto.

Markii xukunka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Kenya dalal ay ugu horeyso waxaa gashay rajo weyn ay dib ugu soo cesha karto cilaa qaadkeedii Soomaaliya.

Arrimaha ugu waaweyn ee hoggaanka Kenya uu kala hadli doono Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dheregsan yahay inuu ku jiro Qaadka, maadaama sanad kahor la joojiyey qaadkii Kenya ay u soo dhoofi jirtay Soomaaliya, taas oo cadaadis gelisay madaxda Kenya, sicir bararna ka abuurtay dalkaas.