DAAWO: XASAN oo looga digay qorshaha qaadka Kenya loogu xirayo dad gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ee ka Ganacsada Qaadka Miiraa ee Kenya laga keeno ayaa maanta shir jaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Haween oo mid mid warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in xubnahaan ka tirsan dowladda ay doonayaan in qaadka la keenayo Soomaaliya ay saartaan kiiladii $5 dollar, iyagoo ku cataabay in taas aysan qaada karin.

Ubax Sangaabo oo ka mid ahaa haweenkii sida adag uga hadlay arrintaan ayaa farriin u dirtay madaxda dalka, gaar ahaan madaxweynaha oo sida ay sheegtay xubnahaan siyaasiyiinta ah ay aad ugu dhowyihiin.

“Qowleysato Dowladda iyo anaga noo dhaxeysa oo waliba ah wasiirradii iyo xildhibaannadii annaga na matalayay ah ayaa rabta in ay lacag ribo ah na saartaan, Xasan Sheekhow yaan dhiiqo lugaha laguu galinin,” ayey tiri Ubax Sangaabo.

Waxay sheegtay in 30-kii sano ee Soomaaliya ay burburka ku jirtay ay hooyooyinka Soomaaliya qaadka ka deberayeen nolosha qoysaskooda, sidoo kalena ay heystaan shatiga ganacsi ee dowladda, canshuurtana ay bixiyaan.

“Dowladu ayadaa shatiga noo jartay, nagu og inaan qaadka ka ganacsano, naguna canshuurta, mudadii uu qaadka Kenya hakadka ku jiray canshuur ayaa ku socotay shatigeena, balse hadda markii la yiri qaadka dib haloo furo waxaa soo baxday qowleysato noo dhaxeysa anaga iyo dowladda,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Ubax Sangaabo.

Sidoo kale Maamo Istaahil Abshir oo ayaduna hadashay ayaa tiri, “Rag ka tirsan dowladda ayaa raba in lacag badan ay na dulsaartaan, Jaadka namana qabato in dad gaar ah loo xiro sidii dowladdii tan ka horeysay, waxaan ka codsaneynaa dowladda inay deg deg wax uga qabato cabashadeenna, 3 sano oo aanaa shaqeysan canshuur ayaan bixineynay.”

Hoos ka daawo