ABIY AHMED oo billaabay istaraatiijad saddex weji leh oo ka dhan ah SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaannahan soo ifbaxay daldoollada siyaasadaha gudaha iyo tan dibadda ee dowladda Soomaaliya, kadib marka ay Itoobiya si xoog leh faraha ula soo gashay Soomaaliya kaddib xaluulashadii Al-Shabaab ee dalkeeda.

Diblomaasiyadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay dowladda Itoobiya ku beertay welwel  iyo cabsi ah inay dalka Masar ka hesho Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) taageero siyaasadeed, iyo saldhig militeri. 

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka daahay dedijinta dhismaha xukuumaddiisa ayaa ku mashquulay xulashadii golaha, xilli Abiy Axmed uu si shanqar la’aan ah u jeexay istiraatiijad saddex weji leh oo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya:

1. Aamusnaan ka caaggan afka oo la kala qaado kana duwan xeeladihii hore ay adeegsan jireen dowladihii isdabjoogay ee Itoobiya; 

2. Ku qotonta habdhaqankii laga dhaxlay TPLF oo ahaa addeegsiga “ruuxaanta,” sirdoon goobjoog ah ee aagaagga soohdin la leh Itobbiya. Dhamaan dowlad-goboleedyada waxaad mooddaa in loo askumay dheefaynta Itoobiya, giddigoodna waxay la wada leeyihiin soohdin ku dhammaato badda;  

3. Siyaasad ugub ah oo lagu soo koobi karo Lafa Geri Iyagaa Laysku Jabshaa, taasoo  soo gelisay saaxadda dowlad degaanka Soomaalida (DDS) oo fududaynaysa habsami u socodka istiratiijiyada cusub “dareen la’aan.”

Ciidanka Itoobiya (ENDF, Ethiopian National Defence Force) oo kaashanaya ciidamada cirka ayaa usoo gurmaday kuwa Liyu oo iska caabbiyay Al-Shabaab oo ka soo gudbay gobollada Bakool iyo Hiiraan. Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa ku dhawaaqay in si looga gaashaanto duullaankaas ay  ciidamadiisa samayn doonaan aag ka caaggan aragaggaxisada oo aan ahayn dhulka dowlad deggaanka Soomaalida. 

Dowladda dhexe ee Itoobiya kama hadlin arrinkan mana faafaahin. Ciidamada Liyu ayaa horeyba uga gudbi jireen xadka waxayna  xaadir ku ahaayeen dhanka Soomaaliya halkaasoo ay ka wateen hawshooda. Waxaase billowday in maamul-goboledyada Galmudug, iyo Puntland ay la galan heshiisyo aysan la socon Dowladda dhexe oo aan aad u iclaamin sida ay u dheceen duullaamadyadii iyo halka ay ka dheceenba.

Itoobiya waxay horey ugu dirtay wafdi Soomaaliland. Waxaa kaloo Jigjiga laga abaabulay bannaanbaxyo dadweyne oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dusha laga saaray waxa dhacay oo idil oo ay ka mid yihiin soo xaluulashada Al-Shsbaab iyo siyaasadda ka dhanka ah biyaxireenka GERD.

Wafdi ka isugu dhafan Ciidamada Itoobiya ee Federaalka iyo kuwa Liyu ayaa yimid bishan billowgedi  Gobolka Hiiraan oo  ay hoggaaminayaan Janan Tesfayew Ayalew oo ka sokow xilkiisi masuul amni,  dhawaan loo xilsaaray isuduwaha taliska nabadsugidda KMG ee DDS oo uu weheliyo taliyaha ciidamada gaarka ah ee DDS janan Maxamed Axmed. 

Wafdiga ujeeddada badan oo ku soo qulqulayay Soomaaliya ayaa wadahadallo la yeesheen saraakiisha hawlgallada dowlad-goboleedka iyo federaalka. Halka taliyaha guud ee ciidamada maleeshiyaadka DDS  janan Cabdullaahi Dheere uu isla maalintaas (2/8/2022) tagay Baydhabo.

Intaba waxaa ka daran, in guddoomiye goboleedka Koonfur Galbeed Cabdilcassis Xasan Laftagareen loo qaaday Addis Ababa kaddib markii loo soo dayaarad military ah si uu masuuliinta dowladda Itoobiya wadahadallo khusseeya labada dhinac ula yeesho.

Warbaahinta waxay si baahsan uga warbiyeen inay August 4, 2022 deegaanka Farjanno (Hiiraan) waxgaradka iyo odayaal dhaqameedyada beelaha deegaanka ay ugu yabooheen ciidamada Liyu toban (10) neef oo geel ah. Waxaana meesha ka hadlay Suldaan Warsame oo askarta guddonsiiyay neefefkii geela ahaa. 

Isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri waxaan diyaar u nahay  dagaallada lagula jiro Al-Shabaab. Wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday suldaanka: “Waxaan diyaar u nahay inaan u hurno naf iyo maalba dowlad degaanka Somaaliyeed”, waxuuna guddoonsiyay boqol (100) dhallinyado oo dagaalka  ka qayb qaadata.

Faraggelinta Itoobiya oo ku wajahneed maamul-gobolledyada ayaa iyadoon laysku shiddayn in la soo maro ama lala tashado Muqdisho ku guulaysatay inay xiriir toos ah la yeelato lana gasho heshiisyo dhammaan maamul-goboleedyada. 

Waxaa kaloo xusuus mudan in ciidamadda Itoobiya ku sugan yihiin gobollada badidooda. Waxaa ugu dambayay gobolka Gedo oo ay August 6, 2022 kasoo gudbeen xadka Dolow iyagoo ku socda dhanka Beled Xaawo oo  ay saldhigyo ka samaysanayaan.

Waxaa aad u caddaatay in faraggelinta Itroobbiya si qayaxan ugu tumanayso madaxbaannanida qaranka una gelinayso khatar amniga taasoo gaartay heer aan laga aamusi karin.