Safaaradda Mareykanka oo Ruushka u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ruushka in duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine uu saameyn xun ku yeeshay Soomaaliya. 

Qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in dagaalkaas uu kasii daray xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya oo malaayin qof ay gaajo darteed qarka u saaran yihiin macluul. 

“Dagaalka aan loo meel dayin ee Ruushku ee ka dhanka ah Ukraine ayaa saameynta xun ee abaarata ka jirta Soomaaliya ka dhigay mid kasii darran,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. 

“Iskaashiga hay’adda USAID kala dhaxeeya hay’adda WFP ayaa maal-gelinaya soo dhoofinta iyo keydinta qamadiga Ukraine oo caawinaya jawaabaha bani’aadaminimo ee ku wajahan malaayiin qof oo halis ugu jira macluul.” 

Qoraalka ayaa waxaa lasoo raaciyey muuqaal muujinaya sida Ruushka u xanibay haruurkii ka iman jiray Ukraine, oo ay ku tiirsanaayeen dalal badan oo Afrika ka mid ah oo Soomaaliya ay ku jirto, taasi oo gaajo dhaxalsiisay malaayiin qof.

Ruushka ayaa horey loogu eedeeyey inuu duqeeyey dekedaha dalka Ukraine ee qamadiga laga soo dhoofin jiray, sidoo kalena xayiraado dhanka gaadiidka iyo badda ah saaray qaarkood, taasi oo hakisay haruurkii ka iman jiray Ukraine.

Horraantii bishan, dowladda Turkiga ayaa ka shaqeysay heshiis dhanka bani’aadaminimada ah oo dhexmaray Ruushka iyo Ukraine si loo fasaxo haruurka, hase yeeshee waxay qaadan doontaa bilo inta uu kasoo gaarayo Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24-kii July wuxuu Muqdisho kula kulmay madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Samantha Power ayaa kulanka ka sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan gurmadka abaaraha, waxayna ballan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 milyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegyada muhiimka ah.