Madaxweyne DENI oo war kasoo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay kacdoonka shacabka ee dalka ka bilowday, isla-markaana ay dadka shacabka ahi kula dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

“Waxaan runtii halkan baaq uga dirayaa dadka Soomaaliyeed ee hadda bilaabay inay iska saaraan cadowga, in ay sii xoojiyaan leeskuguna tago,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay beelaha halganka kula jira Al-shabaab in ay sii xoojiyaan, islamarkaana dhammaan la isu-gu tago oo loo midoobo kacdoonka hubaysan.

Madaxweynaha ayaa yiri “Nabadgelyadeena inaan ilaashano, horumarkeena inaan ka shaqayno. Dalka inaan u soo jeedsano, gacana amnigiisa inaan uga shaqayno, gacana horumarkiisa aan uga shaqayno, annagoo wadajirna oo isku duuban, maxaa yeelay xaaladaha dalku marayo waa xaalado adag, oo u baahan in midnimada iyo isku duubnimada aad loo xoojiyo.”

Madaxweyne Deni ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii maalintii Isniinta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay Bandhigga Carwada Shaqo, oo uu shalay ka daahfuray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.