Britain oo maanta yeelaneysa ra’iisul wasaarihii u horreeyey ee aan caddaan aheyn

London (Caasimada Online) – Rishi Sunak oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka Britain ayaa lagu wadaa inuu maanta noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay, kadib markii Boris Johnson uu xilli dambe ka tanaasulay isku day soo laabasho oo uu qorsheynayey.

Toddobaadyo un kadib markii uu ku guuldarreystay isku day uu ku hoggaamin lahaa xisbiga Tory-ga, Sunak ayaa soo rogaan celin aan caadi aheyn kusoo geba-gebeyn kara inuu maanta ku guuleysto hoggaanka kadibna noqdo ra’iisul wasaaraha dalka. 

Loolankan oo yimid kadib markii ra’iisul wasaare Liz Truss ay Khamiistii ku dhowaaqday inay is-casileyo ayaa musharaxiinta looga baahan yahay inay helaan taageerada ugu yaraan 100 xildhibaan kahor 2:00 pm ee maanta. 

Sunak, oo ah maal-qabeen Hindu ah oo waalidkiis ay kasoo jeedaan India iyo Bariga Afrika, ayaa habeenkii Jimcaha ka gudbay tiradaas, isaga oo helay taageerada 150 xildhibaan kahor inta aanu musharaxnimadiisa ku dhowaaqin Axaddii. 

Ka bixitaanka Johnson ee tartanka — kahor xitaa intaaa aanu toos ugu dhowaaqin — ayaa ka dhigtay in Penny Mordaunt ay tahay xildhibaanka kaliya ee loolanka u taagan marka laga soot ago Sunak. 

Hase yeeshee taageerayaasha Sunak ayaa maanta carabka ku adkeeyey in wasiirkii hore ee maaliyadda aanu weli u qaadaneyn “inuu gacanta ku dhigay” hoggaanka.

“Wuxuu la hadlayaa saaxiibadiisa saaka, dadaal xooggan ayuu wadaa oo uu kusoo jiidanayo taageerayaasha markii hore la jiray Boris Johnson,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Grant Shapps.

Mordaunt ayaa la filayaa in cadaadis xooggan lagu saaro inay ka harto isku daygeeda hoggaan, si deg deg loogu soo geba-gebeeyo loolanka xilli Britain ay wajaheyso xasarado dhowr ah. 

Haddii Mordaunt oo 49 jir ay ay iska caabiso cadaadiskan islamarkaana hesho taageerada 100 xildhibaan, kadib waxaa dhici doono tartan ay ka codeyn doonaan 170,000 oo ka mid ah xubnaha xisbiga, cod-bixintan oo u dhici doonta qaab online ah, ayada oo natiijadana lagu dhowaaqi doono Jimcaha. 

Laba bilood kahor xildhibaanada ayaa Truss ka doorbiday Sunak. Hase yeeshee, waxay u egtahay in nasiibkiisu ku simay in wax ka yar 2 bil uu usoo laabtay xilkii uu waayey.