Shabaab oo Sheekh caan ah iyo wiilkiisa ku dilay Galgaduud

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dil arxan darro ahaa ka geysteen qaybo ka mid ah deegaanka Dhisaq Shurufle oo ka tirsanaa gobolkaasi.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Aabe iyo wiilkiisa xilli ay dukanayeen Salaadda Cishe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi, waxaana si weyn looga yaqiinay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa Galmudug waxa ay ku eedeysay inay dambeeyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay toogashada fuliyeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa sameeyey howlgallo kooban oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyey dilkaas.

AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiilkiisa lagu aaso halkaasi.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka uu dilka ka dhacday ayaa sheegaya in laga dareemayo saameynta ka dhalatay dhacdadaan oo ay aad u hadal hayaan dadka deegaanka.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan looga saaray kooxda, waxaana ugu dambeeyey deegaanka Wabxo.