Howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho

Caasimada (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uga sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Howlgalladan ayaa ujeedkooda wuxuu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sida ay innoo sheegeen saraakiishu howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ciidamadu ku baarayeen gaadiidka iyo dadweynaha socotada ah, waxaana howlgalkaas qayb ka ahaa maamulka degmada oo sidoo kale kormeer ku sameeyay baraha koontaroolada ee ay joogaan ciidamada Booliska.

Sidoo kale howlgalka labaad oo ay fulisay NISA ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, kaas oo isna dad u badan dhalinyaro lagu soo qab qabtay.

NISA ma faahfaahin howlgalkaasi oo ahaa mid ballaaran oo xalay si weyn looga dareemay deegaanka Garasbaaley oo ku yaalla waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ka dhacaya caasimadda.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay gobolka Banaadir, kadib markii lagu jabiyey dagaallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka.