Daawo: Dilkii Bakaal Kooke oo loo heysto ciidanka Itoobiya iyo kacdoon ka qarxay Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ciidanka Itoobiya u qabsaday dilka Taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke oo Jimcihii lagu dilay qarax miino.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

“Dadka dhahaya Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey dilka Bakaal, waxay marin habaabinayaan xogta rasmiga ah, ninkaas aad ayey isugu fiicnaayeen Mahad, wuxuu ahaa nin ay Soomaalinimadu ku weyneed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gobolka Gedo uu ka curtay kacdoon ka dhan ah ciidanka Itoobiya, “Maanta waan u tagnay ciidanka Itoobiya, waxaan dhahnay ka soo jawaaba eedaan, waan ka war sugeynaa, hadaan jawaab fiican ka weynana, Itoobiyaan Gedo siima joogi doonaan,” ayuu yiri Karar.

Hoos ka daawo