QATAR oo ballan-qaad culus u sameeysay DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Al-Nuceymi oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee uu la wadaago dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Cabdalla ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo fariin uu ka waday Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad uu la wadaagay masuuliyiin uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan ka wado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay marti-gelisay Koobka Adduunka. Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul iyo dareen shacab ka muuqda.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale iyo iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka iyo danaha labada shacab ee walaalaha ah.”

Munaasabada lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa iyo Muqdisho.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.