Ku-simaha madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay odayaasha Bakool + Sawirro

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Bakool ayaa guddoomiye Aadan Madoobe warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo dowladda federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la-dagaalanka argagaxisada.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa odayaasha dhaqanka gobolka Bakool ku amaanay dadaalada ay ku doonayaan inay kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, islamarkaana ay gacan ka siineyso xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Aadan Madoobe ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaasi oo u tegay arrimo la xiriira howl-galka ka dhanka Al-Shabaab, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi iyo dardar-gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay.