Laba dowlad-goboleed oo billaabaya dagaalka Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan ka bilaaban doona howl-galo culus oo ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu shaaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howl-galada ka bilaabanaya labada dowlad-goboleed si loogu xiro kuwa ka socda HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo xusay in dagaalka uu yahay mid saf ballaaran oo isku tallaabaya.

“Dagaalkii ka bilowday Basra, Xawaadley Balcad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruun-nirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay Khawaariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Jubbaland iyo Koofur Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga bilaabanaya howl-galada xoreynta, wixii hadda ka dambeeya dalka usoo socosho mooyee ma jiro kasii socosho ilaahey idinkiis.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay masuuliyadda ka saaran sugida Amniga, isaga oo tilmaamay in abaabulkii u dambeeyay soo idlaanayo si howl-galada uga billowdaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay haweenka inay xoojiyaan garab-istaagga ay u muujinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka sida taariikhda ku sugan illaa halgankii Xaawa Taako, sida uu hadalka u dhigay wasiirka koowaad ee XFS.