Xildhibaanada Somaliland ee BF oo cadaadis ku billaabay dowladda Xasan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kasii dareysa xiisada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo maalintii shanaad oo xiriir ah ay ka socdaan dibadbaxyo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiisada ka taagan Laascaanood, waxayna taageereen qaarkood in bulshada dhigaysa dibadbaxa loo daayo xaqooda Dastuuriga ah, si ay u muujiyaan cabashadooda.

Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland ee dowladda culeyska ku saaraya xiisada taagan, ayaa waxa uu ka dalbaday inay qaado tallaabo muuqata oo lagu joojinayo dhiiga shacabka ee ku daadanaya Laascaanood.

“Waxaan cambaaraynayaa dilalka iyo gumaadka muddada dheer soo taxnaa ee lagu hayey haldoorka reer Sool oo ka dhacayey magaalo ay maamusho Somaliland. Waa ayaan darro in aanay jirin cid loo qabtay falalkaas foosha xun,” ayuu yiri.

“Waxaan sidoo kale ereyada ugu adag ku cambaaraynayaa dilalka, cabudhinta iyo iyo awoodda xad-dhaafka ah ee ciidamada maamulka Somaliland kula kacayaan shacabka aan hubaysnayn ee sida nabadda ah u muddaharaadayey ee reer Laascaanood. Xaq ayey u leeyihiin in ay muujiyaan ama cabbiraan dareenkooda iyo cadhadooda.”

Waxa uu intaas sii raaciyay qoraalkiisa “Dadka midnimada jecel ee reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, waxa ay difaac u yihiin midnimada Soomaaliya iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda. Waa ayaan darro in dawladda Soomaaliya ay dhegaha ka fadhiisatay dhawaqa, dhiillada, iyo ilmada dadka rayidka ah ee sida arxanka daran loogu gumaadayo hoygii halganka gobanimodoonka iyo midnimada Soomaaliya.”

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in aanay ka aamusin codka maatida reer Laascaanood ee u baahan hiilka iyo garab-istaagga.

“Lama simi karo xaqa iyo baaddilka, gardarrada iyo garta, gooni-u-goosadka iyo midnimo doonka. Waxaan la jiraa dadka xaq-u-dirirka ah ee reer Laascaanood.”

Rabshadaha ka taagan Laascaanood ayaa waxaa si weyn uga dhiidhiyay madax kala duwan oo ay ugu horeeyan kuwa dowladda federaalka, siyaasiyiinta iyo dalalka beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo asaguna ka hadlay xiisada taagan ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaladda reer Laascaanood.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.