Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay miisaaniyadda dowladda ee sanadka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta saxiixay sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka oo todobaadkii tagay ay ansixiyeen xildhibaanada BF Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyey mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “sida xilkasnimada leh” ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

Miisaaniyadda sanadkaan oo korortay, kana badan tii sanadkii hore ayaa gaareysa $973,985,805, oo dollar, waxaana maalmihii lasoo dhaafay aad uga dooday xildhibaanada labada gole oo ugu dambeyntii ansixiyey.

Sanad kasta waxaa kororta miisaaniyadda dowladda, waxaana socda kobac dhaqaale daqliga gudaha ka soo xarooda ah, sida ay qirayaan hey’adaha ku shaqada leh miisaaniyadda dowladda.