Daawo: Biixi oo shaaciyey qorshe ay DF ka damacsan tahay ciidanka ka imaanaya Eritrea

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo maanta furimaha dagaalka ee degmada Ruun-nirgood kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidankii tababarka u jiray Eritrea ay dagaalka ku soo biirayaan.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay inta badan ciidankii jiray Eritrea inay hadda ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, isla markaana ay u diyaarsan yihiin dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan idinkugu bishaareynayaa, ciidan xoog leh oo tababar qaba, hubkoodana wata oo dagaalka inku garabsiinaya ayaa nasoo gaaraya, ciidankaas xoogiisa wuxuu ku sugan yahay gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Wuxuu sheegay in ciidankaas looga maarmi doono yaraantii ciidan ee heysay dowladda oo sababi jirtay in ciidamada loo raro deegaano kala fog-fog, iyadoo diyaarado lagu qaadayo.

Taliyaha ayaa ciidankaan oo dagaal jira mudo dhowr bilood ah wuxuu u jeediyey dardaaran gaar ah, wuxuuna yiri, “Dhamaantii waxaa tihiin dhalinyaro, waan ogahay waxaa la idin leeyahay soo laabta oo guryihiina kaalaya, aniga oo oday ah xitaa waa la i dhahaa sidaas, laakiin waxaan idinka codsanayaa in laabasho aan la aqbalin inta aan dalka ka xoreyneyno cadowga,” ayuu yiri Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in dhulka laga xoreeyey Al-Shabaab uu yahay mid aad u cajiib ah oo aan u qalmin in cadow heysto, isla markaana uu ku qanacsan yahay inuu sii joogo duurka ilaa inta laga xoreynayo Al-Shabaab.

Hoos ka daawo