Magaalada XUDUR oo weli go’doon ugu jirta Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa weli waxay ku jirta go’doon, gadiidka kaliya ee xilligaan lagu tagi karo magaaladaasi ayaa ah diyaaradaha.

Maciishada iyo agabyada kale ee daruuriga ah oo looga daabulo gobolada kale ee dalka ayaa waxaa magaalada geeya diyaaradaha, ayada oo xiligaan laga deyrinayo xaalada Xudur oo kasii dareysa.

Guddoomiyaha degmada Xudur Cumar Cabdilaahi Maxamuud oo la hadlay VOA ayaa sheegay in magaalada ay ku jirto go’doon sanado badan, balse ay xiligaan ugu sii daran tahay maadama ay jiraan abaaro baahsan.

“Degmada gudaheeda degmooyin kale oo nimankii Khawaarijta ay galeen oo laga soo qixiyay shacabkii, maamulkii iyo shacabkiiba Xudur ayay ku sugan yihiin. Waxay la ciir-ciiraysay dadkii oo aad u badan, bulshadii hore ee ku sugneyd iyo kuwa badan oo kusoo darsamay iyo qaar abaaro soo qixiyeen ayaa magaalada buux dhaafiyay,” ayuu yiri.

“Caqabada u weyn ee jirta waxa waaye wadada xiran, dhinaca kaliya ee wax uga imaanayaan waa dhanka Airport-ka oo diyaarado ayaa wax loogu keena. Bariiska, baastada, khudaarta iyo wixii yaryarka xataa diyaarad ayaa lagu keena, intaas dhan waxa sababay waxa waaye wado kale oo u furan majirto.”

Sidoo kale waxa uu been abuur ku tilmaamay warar maalmihii dambe soo baxayay oo sheegayay in uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee Xudur, kaasi oo ah marinka kaliya ee bulshada magaaladaasi wax loo soo mariyo.

“Diyaaradaha alaabaha keenayay gaab kuma jirin ee laakiin flight-kii rakaabka ayuu gaab ku yimid oo diyaaradii la waayay, marka diyaarad ayaa la’layahay iyo waxaas sax ma aha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha degmada Xudur.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu qorsheynayo in howl-galo ka bilaabaan gobolka Bakool, si shacabka u helaan fursad ay ku noolaan karaan nabad, uuna ganacsigooda waddooyinka ugu imaan lahaa.

Magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa muddo ku dhow 10 sano ku jirta go’doon, hase yeeshe xilligaan ayaa si weyn looga deyrinayaa xaalada ka jirta magaaladaasi, ayada oo gobolada dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.