Cali Cosoble oo dood yaab leh ka keenay go’aan ka hir-galay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa dood ka keenay go’aan dhawaan uu maamulka gobolka Banaadir uu ka hir-galiyay magaalada Muqdisho, kaasi oo sare loogu qaadayo bilicda caasimada.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ganaax lacageed ku soo rogay xoolaha baadida ee iska dhex socda caasimadda, kuwaasi oo marka la qabto la geeyo goob loogu tala-galay kadibna haddey 24 saac gudahood kusoo doonan waayan dadkii lahaa xoolahaasi la gawracayo, islamarkaana loo qeybinayo dadka danyarta ah.

Markii u horeysay ee go’aankan uu si rasmi u dhaqan-galo waxay aheyd 7-dii bishaan, ayada oo xilligaasi maamulka gobolka uu magaalada Muqdisho ku bireeyay ku dhawaad 50 neef oo kamid ah Lo’dii laga soo qabtay waddooinka magaalada.

Haddaba, Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo arrintaan si weyn uga soo horjeestay ayaa waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo sheegay in Lo’da iyo xoolaha kale ee la dhaqdo ay yihiin muwaadiniin waxtarkooda la soo koobi karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dibiga la bireynaayo ma aha ajnabi ee waa muwaadin ku nool waddankiisii hooyo. Sida barakacayaasha ayuu ka soo qaxay abaarta dalka ka jirta. Sida barakacayaasha ayuu xaq u leeyahay inuu helo daryeel (baad iyo biyo). Sida barakacayaasha ayuu xaqaa ugu leeyahay dowladdiisa,” ayuu Cali Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu xusay in arrintaan uusan ku mucaaradeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir oo amarkaan kasoo baxay, hase yeeshe uu dib u xasuusinayo in laga rabo maamulkiisa inay u gurmadaan Lo’da iyo xoolaha kale ee ay bireynayaan.

“Saaxiibkey Guddoomiye Madaale ma mucaaradayo balse waxaan la socodsiinaa waajibaadka ka saaran gobolka Banadir inay ka mid yihiin sugidda amniga gobolka iyo daryeelka barkacayaasha, lo’dana wexey ka mid tahay barakacayaasha. Waxaa maamulka gobolka la idinka rabaa ineydan bireyn lo’da soo barakacday balse aad u gurmataan oo xannaaneysaan.”

Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yiri “Lo’da iyo xoolaha kale ee la dhaqdo sida ariga, geela iyo dameeraha waa muwaadiniin aan waxtarkooda la soo koobi karin, waana noole aad u naxariis badan oo uu Ilahey noogu nimceeyay.

“Lo’da xilliga barwaaqada ayadaa dadka daryeesha, xilliga abaartana ayadaa u baahan daryeel. Lo’da ku nool Muqdisho canshuurta la qaado ayey wax ku leedahay ee xaqeeda ha la siiyo.”

Hadalka madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa waxa kusoo aadaya xili ay cabasho xoogan arrintaan ka muujiyeen qaar kamid ah milkiile-yaasha xoolihii looga gowracay Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in maamulka uu ka bireeyay xoolo loo waday kawaan.