Sawirro: DF oo daah-furtay ololaha gurmadka Turkiga iyo lacagaha la yaboohay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaasi oo ay dhibaato baaxad weyn ka soo gaartay dhul-gariirkii dhawaan ku dhuftay dalkaas.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiga uuna soo qaban-qaabiyey Gudddiga heer-qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamza u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qeyb-galeen wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha Xamza ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1-milyan oo dollar oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga.

Ganacsatada Muqdisho ayaa sidoo kale gurmadka Turkiga ugu yaboohay illaa 3-milyan oo dollar, waxaana weli socda gurmadka oo la fiyo in lacago lagu aruuriyo.

Xamza ayaa waxa uu ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiga.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina wuxuu usoo jeediyey madaxda dowlad-gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qeyb-qaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.