Mareykanka oo war kasoo saaray weerar cusub oo ay ku dileen xubno Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya ay ku dileen Shan xubnood oo ka tirsan maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahan Shabaab-ka ah lagu dilay weerar dhinaca cirka oo ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Sida lagu sheegay qoraalka taliska, goobta duqeynta laga fuliyay ayaa qiyaastii 460KM Waqooyi-galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Duqeyntan ayaa lagu taageeray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika.

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa laba maalin ka hor ku dagaalamay agagaarka Bacaadweyn, ayada oo dagaal-yahaanada kooxda laga saaray godad uga qodnaa halkaasi, sida ay saraakiisha dowladda u sheegeen warbaahinta.

Taliska Mareykanka ayaa laba jibbaaray howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, tan iyo markii ay horaantii bishaan ka aqbaleen madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ka dalbaday inay sare u qaadan duqeymaha.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab waxa uu ciidamada dowladda ee ku jira dagaalka ku taageerayay weerarada dhinaca cirka ah, kuwaasi oo inta badan lagu dilo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda.