Xog: Baydhaba oo marti-gelinaysa shirka madaxda DF iyo dowlad-goboleedyada

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan marti-gelin doonta shirka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo xogogaal ah.

Xogta aan ka helayno shirka lagu qabanayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaysa in la filayo in uu halkaasi ka qabsoomo bisha soo socota ee March.

Shirkan ay iskugu imaanayaan madaxda Soomaalida ayaa la ogeyn in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu kasoo qeyb-gali doono, maadaama uu hore u sheegay inuu xiriirka u jarey dowladda federaalka, taasi oo ay Villa Somalia weli uga jawaabin tallaabo muuqata.

Maamul goboleedka Puntland ayaa 9-ka bishii January ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Puntland ayaa doodeeda xilligaas ku sheegtay “in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.”

Shirka madaxda Soomaalida ee la filayo in uu ka qabsoomo Baydhabo ayaa sidoo kale waxa uu imaanaya xilli uu madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu hoos u dhigay xiriirkii uu waayadii dambe la’lahaa madaxweyne Saciid Deni oo xiligaan u muuqda mid go’doon ku jira.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shirkoodii u dambeeyay ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxa uu daba-yaaqada sanadkii hore ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray go’aamo ay qaarkood isku seegeen DF iyo Puntland.

Si kastaba, Baydhabo ayaa dhowaan waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirweyne dib-u-heshiisiin oo xal looga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxweyne Lafta-gareen iyo mucaaridkiisa.