Puntland oo ku dhowaaqay inay u dhaqmi doonto sidii dawlad madax-banaan

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhowaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madaxbannaan.

Waxay sheegtay Puntland in iyadoo raacaysa qodobo ka mid ah dastuurka federaalka iyo dastuurka Puntland ay si gooni ah dawladda federaalka ugala xaajoon doonto heshiisyada dawlad dhiska, gaar ahaan dhammaystrika datsuurka iyo heshiisyada kale ee siyaasiga ah ee awood qaybsiga, habdhiska amniga, wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

Puntland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in meesha laga saaro hagardaamada fashilin karta geeddi socodka dawlad dhiska, lana ixtiraamo qaawaaniinta lagu heshiiyey gaar ahaan dastuurka ku meelgaraka ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Puntland oo dhameystiran: 

Go’aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya 

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka federaalka ee Dalka.

Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan 

1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14 sano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii.

2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu sameeyo hay’adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka. Tusaale; shirarkii taariikhiga ahaa ee Garowe – 1, Garowe – 2 iyo Gaalkacyo.

3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah

4. Dowladda Puntland waxay si hagar la’aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Federaalka ah

5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay’adaha Federaalka ah sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.

Iyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey, gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda: 

1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish

2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland

a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland
b) Dowladda Puntland iyo Somaliland

3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska 

4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya

5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku dhisan hab wadar oggol ah

6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka ah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka Federaalka

Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo illaalinaysa aayaha masiiriga ah ee Shacabka Puntland, fulinaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay ku wargelinaysaa dhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa Gobolka qodobada soo socda: 

1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya ee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntland waxay fursad buuxda siinayaan horumarinta danaha gudaha Puntland gaar ahaan xoojinta amniga, daadajinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah si loo hubiyo in qofkasta oo Puntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho. 

2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka

“Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda Federaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay ay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka ah iyo kan Dowladda Puntland”

3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah 

“illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel gaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo” 

3.1 Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto sidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah 

“inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan”

Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go’aan ku gaartay:

1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah. 

2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.

3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa 51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntland waxay xiriir walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado danaha ka dhexeeya.

4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadantinimo.

-DHAMMAAD-