Golaha Wadatashiga oo 5 qodob soo saaray iyo Puntland oo diiday labo ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, kaas oo socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankan uga dooday Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda, Hanaanka Federaaleynta Garsoorka amniga dagaalka Shabaab iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka kooban 5 qodob ayaa kasoo baxay shirka, waxaana laba ka mid ah iska diiday Puntland, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka soo baxay.

Labadaas qodob waxay kala yihiin Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland ay diiday in Garsoorka la Federaaleeyo iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday inay saxiixdo.

Dhinaca kale golaha ayaa ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Waxay sidoo kale isku raaceen in deg deg howlgallo looga bilaabo Koonfur Gabeed iyo Jubbaland oo hadda u diyaar garoobayao dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyn golaha ayaa soo hadal qaaday dhacdadii Baydhaba ee dagaalka sababtay, waxayna sheegeen inay ka xun yihiin falkaasi, ayaga oo ku baaqay in la adkeeyo nabadda.

“Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkka Golaha Wadatashiga.

Hoos ka aqriso qodbada shirka

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)
WAR-MURTIYEED
25-28 December 2022    Muqdisho – Soomaaliya

HORDHAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). 

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha. 

QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:

HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.

ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA

Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.

SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. 

Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.

Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.

Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka  xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.

DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.

DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED

Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.

Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada. 

Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.

Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.

–Dhammaad–