Ciidanka Somaliland oo dil ka geystay Laascaanood iyo rabshadaha oo kordhay

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas, waxaana ka socdo dibad-baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan shacabka.

Xaaladda ayaa haatan kasii dartay, waxayna keentay in ciidamadu ay rasaas nool nool ay u adeegsadaaan dadka dhigaya mudaharaadka, waxaana ugu dambeeyey oo ay xalay ciidamadu dileen wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Jimcaale.

Marxuumka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka mid ahaa dadka dibad-baxa ka waday magaalada Laascaanood oo saddexdii maalmood lasoo dhaafay kacsaneyd.

Cabdishakuur Jimcaale ayaa noqonaya qofkii saddexaad oo dilaan ciidamada ammmaanka ee Somaliland, tan iyo markii ay billowdeen dibad-baxyada oo galay maalintii saddexaad.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weli xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo isku socdka dadweynaha, sababo la xiriira xaaladda adag ee haatan ka jirta magaaladaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa sii wada mudahaaradka ayaga oo maanta markale isugu soo baxay Laascaanood, waxayna dalbanayaan in Somaliland ay wax ka qabato dilalka qorsheysan.

Si kastaba, dibad-baxayadan oo si weyn looga dareemay Laascaanood aya intii ay socdeen waxa ay saameyn ku yeesheen isku socodka dadka goobaha & ganacsiga ee magaaladaas.