Sawirro: Deni oo afar qodob kala hadlay Kate Foster

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland C/fataax Maxamed Cabdinuur, ayada oo diirada lagu saaray xaalka maamulkaasi.

Labada dhinaca ayaa si gaar ah diirada ugu saaray afar qodob oo kala ah amniga Puntland, doorashada Goleyaasha deegaanka dhaqaalaha iyo sidoo kale Mashaariicda horumarinta.

Kate Foster ayaa shaaca ka qaaday in ka dowlad ahaan ay si dhow ula shaqeyn doonaan Puntland, isla-markaana ay ka taageeri doonaan dhanka horumarinta iyo bani’aadanimada.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Puntland ka taagan tahay xaalad siyaasadeed u dhexeyso madaxtooyada iyo ururada siyaasadda oo ku kacsan Deni.

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay Villa Soomaaliya, ayaa haatan kulamo gaar ah ka wada Muqdisho.

Si kastaba, Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha reer Yurub ee howlgalka diblumaasiyadeed ka wada Somalia, waxayna ula shaqeeyaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.