Dagaal culus oo ku wajahan Shabaabka Jiinka Webka

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gadaal ka riixaya, sidii hawlgalada looga billaabi lahaa deegaanada dhaca Jiinka Webiga Shabelle ee Gobolka Hiiraan, oo maleeshiyada Al-Shabaab ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa deegaano dhowr ah kaga sugan daanta galbeed ee Webiga Shabelle, waana halka uu haatan ku wajahan yahay gulufka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka gobolkaasi, ayaa dhowaan kormeeray fariisimaha ay xoogaga Macawiisleyda ku leeyihiin Jiinka Koonfureed ee Webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyuhu uu saad iyo sahayba gaarsiiyay Macawiisleyda, isla-markaana uu u sheegay inay u diyaargaroobaan hawlgal sifeyn ah oo gobolka lagaga suulin doono haraadiga Shabaab.

“Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa u ballanqaaday ciidamada ku sugan hareeraha Jiinka Webiga in ay heli doonaan adeegyo dheeri ah, oo lagu kabi doono hawlgalada iyo sidii loo sii dhameystiri lahaa argagixisada, asigoo Saraakiisha faray in la sii dardargeliyo hawlgalada lagu soo afjarayo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale hawlgal amni xaqiijin oo midkani barbar-socda ayay sidoo kale ciidamadu ka samayn doonaan xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa goor sii horreysay sheegay in ciidamada hawlgalada ka wada Hirshabelle iyo kuwa Galmudug ee hawlgalada ka bilaabaya deegaanada maamulkaasi ay meel dhexe isugu imaan doonaan.

Gulufka Gobollada Dhexe ayaa ah mid jihooyin cusub dagaalka lagaga furayo Shabaabka, oo sanadkan uu uga dhigan yahay kiisii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen.

Dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay 3-dii bishii June iyo gulufkii ballaarnaa ee xigay ayay dad badan is tuseen in muddo kooban lagu soo afjari karo kooxaha argagixisada.