Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya dil xalay ay koox hubeysan ka geysatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kooxda hubeysan ay magaalada Beledweyne ku dileen Cabdullaahi Xasan Cawaale (AUN) oo loo yaqaanay Toor-toor, kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee magaalada.

Toor-toor ayaa la dilay xilli uu fadhiyay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Nuur Xawaad ee magaalada Beledweyne, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka marxuumka kadib dadweynihii ku sugnaa goobta ay isku dayeen inay qabtaan raga geystay dilka, hase yeeshe kooxda ayaa la sheegay inay isaga caabiyeen dadweynaha illaa sadax bambo oo nooca gacanta laga tuuro ah, taasi oo u sahashay inay ka baxsadaan goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira dilkan, marka laga soo tago in ciidamadu ay bilaabeen baaritaano aan illaa hadda la ogeyn natiijadooda.