Daawo: Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey inuu go’doomiyey deegaanada beesha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon ku soo rogtay deegaanada ay Galmudug ka joogto kooxda Al-Shabaab, go’doonkaan ayaa halis geliyey nolosha kumanaan qoys oo degan dhulka ay weli Al-Shabaab ka xukumaan Galmudug.

Xildhibaanada golaha shacabka ku metela qaar ka mid ah beelaha dega bariga gobolka Galgaduud ayaa maanta soo saaray qeylo dhaan ay uga cabanayaan cunaqabateynta dowladdu ay saartay dadkooda.

Cunaqabateyntaan waxaa la sheegay inay saameysay dhamaan dadka ku nool degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri, Ceelgaras ilaa Xarardheere oo qaar laga xoreeyey kooxda, qaarna ay weli joogaan.

Maamulka Galmudug ayaa dowladda dhexe la qaba qorshaha ah in deegaanada ay Al-Shabaab joogaan aysan u gudbin wax sahay ah, sida raashinka, shidaalka, maciishadaha kale iyo guud ahaan wax gaadiid ah.

Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo maanta warbaahinta la hadashay markii uu soo xirmay kulankii golaha shacabka ayaa sheegay in dhulka ay degto beesheeda ee bariga Galmudug ay dadka ku nool go’doonsan yihiin in ka badan hal bil.

Xildhibaan Faa’isa ayaa sheegay in go’aankaas uu ku yimid amarka Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana la diiday in hal gasac oo caano ah loo gudbiyo deegaanadaas oo abaar baahsan ay ka jirto.

“Dadkeena ayaa loo danleeyahay, dagaal Shabaab maahan waxa socda, dadkeena oo u diyaarsan inay Shabaab iska xoreeyaan ayey dowladdu ka gaabisay, hal qof hadii uu gaajo u dhinto maxkamad ayaan isla aadi doonaa Madaxweyne, cidii bixisay amarkaas lagu cunaqabateeyey dadkeena haka laabato,” ayey tiri Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte.

Degaanada ay dowladdu cunaqabateysay waxaa maamula Al-shabaab oo isku dayaya in ay ka baxsadaan dagaalka dowladda iyo duqeymaha diyaaradaha, balse waxaa halis ku jirta nolosha kumanaan shacab ah oo markii hore la daala dhacayay abaar daran oo dalka ku dhufatay.

Kooxda Al-Shabaab ma ogolaha in dadkaasi ay isaga hayaamaan deegaanada lagu go’doomiyey, waxayna ka baqayaan in lagu duqeeyo hadii ay kaligood ku noqdaan dhulka ay hadda joogaan.

Sicir barar xoog leh ayaa ka jira deegaanada weli ku jira gacanta Al-Shabaab, meelo kamid ah waxaa laga waayay wax la cuno, shidaal iyo biyo, kadib markii ay geli waayeen gaadiidka shidaalka iyo kuwa maciishadda intaba.

Hoos ka daawo Xildhibaan Faa’iso