Daawo: Yey yihiin ‘afarta nin ee mas’uulka ka ah’ dagaalka magaalada Laascaanood?

Laascaanood (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka Khaatumo, Rashiid Diiriye Faarax oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay dagaalka adag ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Rashiid Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in weli Somaliland ay dhibaato ku heyso shacabka reer Sool, isla-markaana duqeyn aan loo meel-dayin ay ku garaaceyso Laascaanood.

Afhayeenka ayaa kasoo horjeestay in mas’uuliyadda loo saaro beel gaar ah, wuxuuna tilmaamay in dagaalka ka socda Laascanood ay mas’uul ka yihiin afar nin oo maamulka ku jira, kuwaas oo ku kala sheegay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin, guddoomiyaha golaha guurtiada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo taliyaha ciidamada milatariga maamulkaasi, Generaal Nuux Taani.

“Waan ka horjeedaa in beel loo nisbeeyo waa maamulka nimanka ku jira ay kamid yihiin Muuse Niixi, Maxamed Kaahin, Nuux Taani iyo Saleebaan Gaal, waxaan ka codsanayaa dowladda federaalka in loo aqoonsato dhibka ay geysteen ” ayuu yiri Rashiid Diiriye Faarax.

Sidoo kale wuxuu shuruud ku xiray wada-hadal lala galo Somaliland, wuxuuna tilmaamay in taasi ay kasoo horjeedaan, isagoo shuruud ka dhigay inay ka baxaan gobollada SSC.

“Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa illaa ay ka baxaan oo ay ka tagaan gobollada SSC in wax wadahadal ah aan lala geli karin maamulkaas arxan darrada u geysanaya shacbiga Laascaanood” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo weli dagaal uu ka socdo Laasaanood, kaas oo maanta dib u qarxay, waxaana barbar socota duqeyn lagu garaacayo magaaladaasi.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.